Calendar

Puntland oo iska diiday in la soo galiyo raashin u raran WFP oo Laascaanood ku xayiran.

Bartamaha(Laascaanood):-Maamulka Puntland ayaa iska diiday in deegaanadooda la soo galiyo raashin u raran WFP oo ka soo dagan dakada Barbara.

Waxaa maalintii Saddexaad ku xayiran Bariga Laascaanood gawaari fara badan oo u raran WFP oo la doonayay in loo gudbiyo magaalada gaalkacyo iyo deegaano kale oo puntland ka mida.

Maamulka Puntland  ayaa waxa ay diideen in Deegaanadooda loo soo gudbiyo raashin ay leedahay WFP oo ka soo dagay dakada Barbara xilli Boosaaso ay deked ku taalo.

Saraakiisha Laamaha socdaalka Puntland ayaa waxa ay sheegen in ay WFP horay kala hadleen in aanay aqbalayn in la soo galiyo raashin ka soo dagi kara dakada Boosaaso oo meel kale laga keenayo.

Raashinka ayaa waxa uu yahay mid ku xaniban laascaanood markii Puntland ay bixin weysay qoraalka loogu ogolaanayo in la soo galiyo Deegaanada Dowlad goboleedka Puntland.

Illa ahaatan waxaa la isku mari la’yahay qaabka loo gudbinayo raashinka gargaarka markii khilaaf xagga isfahamka ah uu ka dhex dilaacay maamulada Puntland iyo WFP.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: