Calendar

Puntland oo go’aan adag kasoo saartay kallumaysiga sharci darada ah

BARTAMAHA – Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuu soo arkay cabashooyin haysta dadka degan deeganada dhaca xeebaha oo ay samayn ku yeelatay jariifka lagu hayo baddaha, isagoona intaasi raaciyay in talo soo jedin arrintan ku aadan uu ka helay madaxda wasaradda kaluumaysiga Pl.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in dowladisu talaabo cad kaqaadi doonto cidkasta oo lagu helo inay jariif kawadaan xeebaha Puntland, waxaana uu sigaara fariin ugu diray dadka Soomalida ah ee Puntland usoo hogaamiyo jariifka sharcidarada ah.

Madaxweynaha ayaa war saxafadeedkisa ku sheegay in dowlada Puntland u aqoonsatay kallumaysiga sharci darada ah Musiibo Qaran, waxaana uu intaasi ku daray in dadka reer Puntland looga bahan yahay inay gacan siiyaan dowlada si hal mar lo wajaho joojinta jariifka lagu hayo xeebaha Puntland.

Deeganada dhaca xeebaha Puntland aya sanadihii dame waxaa dadka kunool kasoo yeeraysay cabasho xoogan oo ku aadan jariifka aan loo meel dayin ee dad ajaanib ah ku hayan xeebaha Puntland, waxaana dhowr jeer ay ciidamada badda Puntland gacanta kusoo dhigeen ajaanib loo haysto jariif inkastoo markii dame lasii daayay.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: