Puntland oo dib ugu noqonaysa nidaamkii awood qaybsiga qabaa’ilka
Baarlamaanka Puntland ayaa ka dooday sharci cusub oo dib ugu celinaya awood qaybsiga gaar ahaanna xulida xildhibaannada baarlamaanka qaabka hab-beeleedka kaasoo ay Puntland sheegtay inay ka gudubtay kadib markii la qaatay nidaamka axsaabta badan ee dastuurka cusubi uu qorayo.
Xildhibaanada oo dood kulul ka yeeshay ayaa intooda badan sheegay in doonayaan in dib wax loogu soo xulo nidaamkii qabaa’ilka ee iyaga lagu soo doortay.
Inkastoo aan go’aan kama dambays ah arrinkan laga gaarin oo barri la isugu soo noqonayo kulan kale ayaa hadana ay u muuqataa in dib loogu noqonayo nidaamkii hore ee ku salaysnaa awood qaybsiga qabaa’ilka.
Waxaana arrinkan loo aanaynayaa kadib markii ay dhici waayeen doorashooyinkii la qorsheeyay ee dawladaha hoose taasoo keentay in dad ku dhintaan dad kalana ku dhaawacmaan rabshado ka aloosmay magaalooyinka waawayn ee Puntland.
Comments
comments