Puntland oo dhawaan furaysa Maxkamad la saaro Argagixisada.
Bartamaha (Garoowe):- Dowlada Goboleedka Puntland ayaa dhawaan hergalinaysa Maxkamad la saaro Kooxaha gala falalka argagixisada.
Kulan shalay ay garoowe ku yeesheen Madaxda Ammaanka iyo Masuuliyiinta sare Ee Puntland ayaa la isku afgartay in la furo Maxkamad la saaro Kooxaha ku Eedeysay falalka Argagixisanimada ah.
Wasiirka Amniga Dowlada Goboleedka Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamad la saarayo kooxaha gala dembiyada Argagixisada ah.
Wasiirka waxa uu cadeeyay in deegaano ka mida Puntland ay soo galeen Kooxaha Al-Qaacida xiriireka la leh kuwaasi oo uu ku Eedeeyay masuuliyada dilalka ka dhaca magaalada.
Wasiirka ayaa intaais ku daray in maalmaha soo aadan la dhisayo Maxkamada la saarayo Kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada dalka soomaaliya.
Go’aankan ayaa soo baxay ka dib kulan wada tashi ah oo ay yeesheen dhammana wasiirada, iyo madaxda sare Ee Dowlada Goboleedka Puntland.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments