Puntland oo Ciidan Xoogan U Dirtay Buurta Galgala
Bartamaha (Galgala):- Xilli weli xal loo la’yahay xaalada Buuralayda Gobolka Bari  ayaa wararka naga soo gaaraya Deegaanada Puntland waxa ay xaqiijinayaa in Xiisad ay dib uga soo cusboonaatay Buuralayda Galgala.
Warar hoose oo laga helayo saldhigyada Muhiimka Ee Puntland ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Puntland ay sii galayaan aagaga hore ee dagaalada gaar ahaan dhulka Buuralayda ah ee Gobolka Bari oo ay gaareen Ciidan ka baxay Magaalada Garoowe.
Saraakiisha Ammaanka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa waxa ay cadeeyeen in weli uu socanayo Howlgalkii ka dhanka ahaa Xoogaga uu horboodo Wadaadka dagaalka kula jiro Dowlada Puntland.
Ciidamo watay gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkayay duleedka Magaalada Boosaaso kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay ku wajahanyihiin Buuralayda waxaana horay u gaaray Jiida hore Ciidan ka yimid dhanka Magaalada Garoowe.
Dhanka Xoogaga uu Hogaamiyo Sheekh Atam ayaa waxa ay weli wadaan qorshayaal ay isaga difaacayaan duulaanka lagu doonayo in looga tirtiro dhulka Buuralayda ah oo ay wado Dowlada Puntland.
Xaalada Buuralayda ayaa weli dagan waxaana xili waliba laga baqanayaa dagaal dhexmara Xoogaga ka dagaalama dhulka Buuralayda ah iyo Ciidanka Puntland oo weli isku haya dhulkaasi iyadoo Xoogaga Sheekh Atam ay weli yihiin kuwa awood ku leh qeybka ka mida Buuralayda Galgala.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments