read more »">
Calendar

Puntland oo Alshabaab dusha uga tuurtay dilalka ka dhacaya Magaalooyinka Puntland

puntland logoBartamaha(Boosaaso):-Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa ALshabaab dusha uga tuuray in ay masuul ka yihiin dilalka ka dhaca magaalooyinka Puntland oo xalay Boosaaso ugu danbaysay oo dad lagu dilay.

Shirjartaa’id oo uu maanta qabtay Wasiirka Amniga Dowlada Goboleedka Puntland Gen.C/laahi Siciid Samatar ayaa waxa uu kaga hadlay ammaanka guud ee Deegaanada Puntland oo dhawaanahan qaraxyo iyo dilal ay ka dhacayeen.

Wasiirka Aminga ayaa sheegay in Alshabaab ay leeyihiin masuuliyada dilalka ka dhacay Magaalooyinka Dowlada Gobleedka Puntland oo Xalay ay ugu danbaysay Boosaaso lagu dilay Saddex qof oo uu ku jiray agasimada Wasaarada Maaliyada.

Wasiirka ayaa xusay in Alshabaab ay ku dhex dhuumaayaan shacabka dhexdiisa islamarkaana ay qaarkood yihiin kuwa deegaan ahaan u dagan magaalooyinka Puntland si ay dhibaato iyo qalqal dhanka ammaanka ah uga abuuraan magaalooyinka Puntland.

Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa taag loo la’yahay koox shacabka ku dhuumanaya islamarkaana dilal iyo qaraxyo ammaanka wax u dhimaya  ka samaynaya magaalooyinka Dowlada Goboleedka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: