Calendar

Puntland “Cid kasta oo aan u dhalan Puntland waan ka saaraynaa….”.

kherBartamaha  (Garoowe):- Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland ayaa balan ku qaaday in ay ka saarayaan deegaanada Puntland dhammaan dadka aan ka soo jeedin dhulka Dowladaasi ka taliso.

Wadiirka Ammaanka Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyre oo saxaafada la hadlayay ayaa daaha ak qaaday in ay ka xureynayaan deegaanada kala duwan ee Puntland dhammaan dadka ammaanka halista ku ah oo ka soo jeeda deegaano ka baxdan Puntland.

“Cid kasta oo aan u dhalan Puntland waan ka saaraynaa Deegaanadayna waayoo ammaanka ayay halis ku yihiin…magaalada Boosaaso waxa ka socday waa qorshe aan ka warhayno dadka waa la baarayaa,guryaha waa la galayaa waana kala soocaynaa dadka aan u dhalan Puntland ee ammaanka looga qabsanayo iyo kuwa dhulkeena ka soo jeeda…….”. ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli Magaalada Boosaaso shalay Howlgal dad looga raafay laga sameeyaya islamarkaana saaka la soo sheegayay in Garoowe laga bilaabay Howlgal la mid ah midka Boosaaso maalintii labaad ka socanaya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: