Prof.Samatar “Alshabaab iyo Dowlada shacabka ayay laayaan…â€
Bartamaha(Muqdisho):-Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dibad jooga ah Prof.Samatar ayaa si kulul u weeraray qaab dhaqanka Dowlada iyo Alshabaab.
Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mida aqoonyahanaha Soomaaliyeed ayaa si kulul u weeraray qaabka dhaqanka Kooxaha Alshabaab iyo Dowlada.
Aqoonyahankan waxa uu sheegay in Alshabaab iyo Dowlada ay shacabka laayaan oo aanay u naxariisan taasina aan lagu eegan Karin shacabka dhibanayaasha ah.
“Alshabaab iyo Dowlada shacabka ayay laayaan…. Maalin waliba dad ayaa ku dhinta gacanta Alshabaab ama Dowlada oo shacabka waa la xasuuqaa…. Aqoonyahanka uma dul qaadan karaan dhibaataynta shacabkooda.…†ayuu yiri Prof.Samatar.
Aqoonyahankan ayaa hadalkiisa ku sii daray in ay wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan shacabka la xasuuqayo iyo dhibaatada haysata Bulshada Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii aqoonyahankaasi waxa uu Bulshada Soomalaiyeed ka codsaday in ay kacaan oo shacabka dhibanayaasha ah wax u qabtaan waxa uuna balan qaaday in dhawaan ay abaabulayaan bulsho badan oo gacan qabata dhibanayaasha.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments