read more »">
Calendar

Prof.Dalxa oo la qancin la’yahay iyo Doorashadii oo maanta dib loo sii dhigay.

dalxaBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiye Xigeenkii 1-aad ee Baarlamanka ayaa lagu qancin la’yahay in uu iska casilo xilkii uu ka hayay Baarlamanka Soomaaliya.

Labada Shariif waa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka ayaa shalay waxa ay ka quusteen qancinya Prof.Dalxa oo ay ui soo jeediyeen in uu is casilo si doorashada ay u fududaato.

Sida warar hoose oo na soo gaaaraya ay sheegayaan Prof.Maxamed Cumar Dalxa ayaa loo balan qaaday Lacag culus haddii uu si fudud isaga dhiibo xilka oo uu isku casilo wallow taasi oo fadhiga uga istaagay Dalxa.

Prof.Dalxa ayaa ku adkaysanaya hadal uu jeediyay kaasi oo uu ku sheegayay in uu yahay Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee sharciga ah Baarlamanka isagoo sheegay in aanu dhiman,Xanuuna haynin islamarkaana aanu iska casilin xilka dibna isku casili doonin taasi oo beesha uu ka dhashay ay aad u soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiye Shariif Xasan ayaa shalay ka quustay qancinta masuulkaasi waxaana dalka ka dhoofay Madaxweynaha oo dalbaday in Maxkamada sare go’aan laga sugo.

Gudiga doorashada Baarlamanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta doorashada Gudoomiye Xigeenada oo la filanaayay in maanta la doorto wallow ay sheegeen in la raacay mudadii ay maxkamada sare qabsatay.

Prof.Dalxa ayaa gudbiyay qoraalo uu ku cadaynayo in aanu marnaba tanaasulin yahayna masuulka sharciga ah ee Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Soomaaliya taasi oo maxkamada sare markii ay qoraalka akhrisay ka dib ay amartay in dib loo dhigo doorashada.

Hadaba la ogaan doonee halka ay saldhigato Dacwada uu gudbnioyay masuulkaasi Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka ah oo weli aan iska casilin xilkii uu haayay taasi oo baajisay doorashada Ku xigeenada Baarlamanka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: