read more »">
Calendar

OHIO: Soomaali Tuuganimo ku qaadatay Lacagta “After School Programs” (VIDEO)

muuseBartamaha (Ohio) Baaritaan ay sameeyeen TV ku yaal magaalada Columbus ayaa waxaa ay cadeynaysaa in waxbarashada carruurta ee iskoolka kadib lagu xaday qalinka lana marsiin jidkii loogu talo galay ee ahaa in carruurta wax lagu baro.

Dowladda Maraykanka ayaa siisa lacag fara badan ururo sheegta inay jaaliyadooda wax baraan caruurta iskoolka kadib, laakiin Soomaali ku dhaqan Ohio ayaa sharafta ka qaaday magacii Soomaalida oo tusay qowmiyadaha ku nool Ohio in xitaa caruurteena waxbarashadooda inaan ku qaraabano oo aanan waxbana barin lacagtana aan jeebabka gashanno.

HALKAN KA DAAWO VIDEOGA

Waxaad ka arkaysaa baaritaankaan in Hay’adaha ay samaysteen Soomaalida Ohio oo qaarkood lacago boqolaal kun gaaraya la siiyay aysan xafiisba lahayn addreeskana meesha ay ku qorteen ay yihiin guryahooda ama UPS store-ka.

Waxaa ku jira dadka la haysto Muuse Faarax oo isaga haatan laga rafacay contract-gii uu la lahaa wasaaradda waxbarashada kadib markii lagu soo ogaaday inuu been ka sheegay saxiixyo.

Comments

comments

Category : Ohio, Wararka Maanta.
« »

Comment: