Odayaasha Muqdisho oo ka digay Musiibo ka dhacda Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa ka digay Musiibo aan laga soo kabsan oo ka dilaacda dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo saxaafada la hadlayay ayaa ka digay Musiibo aan la aqoon halka ay ka timid oo ka dhacda Dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Xaad waxa uu sheegay in dalka uu hadda halis sii galayo haddii ay sii socdaan dagaalaka ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo dhibaatada ugu badan u geysanaya dadka maatada ah ee aan waxba galabsan.
Gudoomiyaha Odayaasha waxa uu cadeeyay in dhibaatada ugu badan ee dagaalada ay sii gaarsyo shacabka maatada ah ee aan waxba galabsan isagoo ka digay sii socoshada dagaalada aan ujeedada laga gaarayn ee ka dhacaya Magaalda.
“Xaalada hadii ay saan ku sii socoto Musiiba ayaa soomaaliya ka dhici doonta waana lagu kala guurayaa soomaaliya ….Dalka halisn waxa uu ugu jiraa in ay gaalo qabsato waa in shacabka ay ogaadaan dhibka taagan…”. ayuu yiri Nabadoon Xaad.
Nabnadoonkan waxa uu shacabka ugu baaqay in ay alle u laabtaan oo ay ku duceystaan in musiibada taagan uu alle ka dul qaado isagoo xoogaga dagaalamaya ka dalbaday in ay daayaan xasuuqa Shacabka.
Ugu danbayntii Nabadoon Maxamed Xaas waxa uu ifiyay in dalka ay ku soo wajahanyihiin quwado shisheeye oo dalka doonaya in ay qabsadaan isagoo uga digay dhinacyada isku haya dalka in ay sababaan dalka oo dhan uu faraha ka baxo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments