Calendar

Odayaasha Hiiraan iyo Muqdisho oo la amray in ay Garka daystaan.

garkaBartamaha  (Muqdisho):- Amar ka soo baxay Maamulka guud ee Alshabaab iyo Madaxda Dacwada ayaa lagu faray in dhammaan Dhalinyarada iyo Odayaasha ay daystaan garka.

Waaxda Dacwada Alshabaab ayaa amar ku bixisay in Garka la daysto islamarkaana la xiiro shaarbaha guud ahaan deegaanada ay maamulaan Alshabaab.

Waaxda Dacwada ayaa amar ka soo baxay waxa ay si gaar ah ugu jeedisay Odayaasha dagan Muqdisho iyo Gobolka Hiiraan in ay Garka daayaan,Shaarbahana xiiraan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Alshabaab.

Qoraalka ayaalagu xusay in qofkii laga dareemaa in uu xiiray Garkiisa lagu dhifan doono 100-Jaydal shacabka hortooda taasi oo ah amarkii ugu cuslaa oo dhanka garka laga soo saaro.

Amarka iyo Xukunka la duldhigay qofkii garkiisa xiira ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Hiiraan oo kaliya aan laga fulin amar guud oo shabaabka ay xilli hore ka soo saareen dhulka ay ka taliyaan.

Kooxda Xizbul Islaam ayaa dhawaan soo saartay amar nuucaasi ah kaasi oo ay waayeen cid ka qaadata iyadoo muddo Laba maalmood ah ay ku dareen Kooxdaasi Xizbul Islaam in loo qabtay ragga garkooda Xiirta.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: