Calendar

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku baaqay in Maamulka Somaliland ay si nabad ah doorasho u galaan.

mogadishu-mapBartamaha (Muqdisho) Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa walaac ka muujiyay xaalada isfahamdarada ka dhextaagan xizbiyada Mucaaradka iyo Udub .

Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka odayaasha Hawiye ayaa waxa uu sheegay in xaalad qal-qal ah ay ka taagantahay maamulka Somaliland dhexdiisa taasina ay tahay mid dhibaato culus keeni karta.

Nabadoonka ayaa waxa uu baaq u jeediyay dhinacyada isku mari la’ doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Maamulka Somaliland taasi oo cules xoogan uu ka taaganyahay qaabkii ay u dhici lahayd.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka digay gacan ka hadal ka dhaca Maamulka Somliland xilli xaalad nabad ah ay ka jirtay muddo 19-sano ah taasina ay tusaale ugu filantahay dhibta ka jirai Koonfurta Soomaaliya.

Baaqan ka soo yeeray odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa imaanaya xilli xiisad ay ka taagantahay Maamulka Somaliland iyo Axsaabta Mucaaradka dhexdooda taasi oo salka ku haysa doorasho ka dhacda Deegaanada Woqooyiga Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: