Odayaasha dhaqanka Bariga Magaalada Balad-Weyne oo hishiis la galay Kooxda Alshabaab.
Bartamaha (Balad-Weyne) Waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa waxa ay hishiin nabadeed la galeen Kooxda Alshabaab Ee dhawaanahan dagaalo kula jirtay Ciidamada Dowlada Gobolkaasi Hiiraan.
Ka dib kulan saacada qaatay oo ay yeesheen Odayaal ka socday beeshaasi iyo Saraakiisha Alshabaab ayaa waxa ay ku kala sixiixdeen hishiis xagga nabada ah iyo in ay ka wada shaqeeyaa xagga ammaanka.
Nabadoon Maxamed Aadan Cilmi oo ka warbixinayay kulan ay la yeesheen Alshabaab ayaa waxa uu sheegay in ay hishiis ku gaareen in nabadda deegaanka laga wada shaqeeyo .
Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay in kulanka ay Deegaanka Maxaas kula yeesheen Xarakada Alshabaab uu ujeedkiisu ahaa in xagga ammaanka ay ka wada shaqeeyaan labada dhinac.
Nabadoon Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in Beesha Xawaadle ay diyaar u tahay wax alla ee keeni kara in amaan lagu kala helo islamarkaana bulshada ay ammaan ku helaan.
Hishiiska labada dhinac ayaa imaanaya xilli Magaalada Balad-Weyne qeyb ka mida ay joogaan Kooxda Alshabaab halka dhanka kale ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Beesha Xawaadle ka dib markii ay ka bexeen Ciidamadii dowlada wakiilka ka ahaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments