Odayaal Somaliland ka soo jeeda oo Hambalyo,Baaq iyo Cambaarayn soo saaray (War-Saxaafadeed).
Bartamaha (Hargaysa) :- Odayaal ka soo jeeda beelaha Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan Xilalka loo magacaabay Wasiirada iyo hadalo ka soo yeerayay beelaha qaar.
Warka qoraalka ah oo ay Odayaasha soo qoreen ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaaray Warbaahinta waxaa ku xusnaa Cambaarayn,Hambalyo iyo Baaq wada socday oo Odayaal iyo Aqoonyaho ay soo saareen.
Qoraalka ayaa waxa uu u qornaa sida tan:-
Ujeeddo: Baaq Taageero iyo Canbaarayn
Ugu horreyn: Waxaan hanbalyo iyo teegeero buuxda u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Anagoo ku hadlayna magaca inta aqoonta leh, waxgaradka ah, jecel jiritaanka Somaliland ee Beesha Cibraan (Maxamed Sh. Isxaaq)
Isla markaana waxaan canbaaraynaynaa nimanka ku hadlay magaca beesha Cibraan ee ku andacoonaya wasiiro ayaa nala siin waayey.
Waxaan u sheegaynaa nimankaas in wasiirkii ugu dambeeyey ee ka mid ahaa maamulkii Riyaale eek u yimi magaca Cibraan uu soo qabtay xilal kala ahaa [1] wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo biyaha [2] wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha [3] wasiirka madaxtooyada, isla markaana uu ahaa maareeyaha madbacadda qaranka.
Haddaba, waxaan u sheegaynaa beesha Cibraan iyo nimanka leh wasiir baanu doonaynaa, in wasiirkaa hore ba aannu beesha waxba u tarin, isagoo ahaa wasiirka Riyaale ugu dhowaa. Sidaasi awgeed, beesha iyo ummadda reer Somaliland ba aanay dani ugu jirin qof keligii ku danaysta magac reereed; cid kasta oo maanta wax ku doonta qaab beeleedna waxaanu u aragnaa cid doonaysa in Somaliland ku noqoto 1993-gii inay tahay, taas oo aan la aqbali karin.
Mar labaad, anagoo ku hadlayna magaca waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada iyo aqoonyahanka beesha Cibraan, waxaanu si buuxda u taageeraynaa shuruud la’aan dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Waxaannu leenahay Madaxweyne haddaad beelnimo ku shaqayso Somaliland waad hagranaysaa. Madaxweyne waxaanu kuu dooranay inaad gurmad u samayso dadka iyo dalka Somaliland ee la baabi’iyey 8dii sannadood ee UDUB ka talinaysey. Waxa lagaaga fadhiyaa inaad dadka iyo dalka ba dibu kabis ku samayso.
Dadka iminka hadlanaya waxaanu leenahay Somaliland maanta ninka beel wax kaga doonayaa kaga heli mayside dadkaaga dhinac ka raac.
- Baashe Jaamac Ibraahim
- Axmed Derejo
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments