Calendar

Nin Xalay lagu dilayDegmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose.

bistoladBartamaha(Muqdisho):-Kooxo looga shakisanyahay in ahaayeen Xizbul Islaam ayaa Xalay lagu dilay nin caan ka aha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Abuukar Maxaad oo ahaa nin beeralayda Gobolkaasi ka mid ah kaasi oo rasaas ay la beegsadeen rag watay hubka fudud.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in ay hadal isdhaafsadeen Ciidanka isagoo si cara leh ula hadlay maleeshiyada dishay sida ay xaqiijiyeen dadka dagan Xafaada Xaawo Taako Degmada Afgooye.

Dilka ninkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilal ay horay u geysteen Ciidanka Xizbul Islaam waxaana dad badan ay xasuustaan dil uu horay sanadii hore u geystay askari ka mida Koxdaasi oo nin dhaqtar ah u dilay Sigaar uu cabayay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: