Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inuu argagaxisada maalgaliyo
Dawlada Maraykanka ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay nin u dhashay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inuu maalgaliyo ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.
Maxamed Xusseen Saciid ayaa laga qabtay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, isagoo la sheegay inuu ku xirnaa nin u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Qufraan Maxamed, iyadoo labadoodaba lagu eedeeyay inay lacago u direen ururo argagixiso.
Waxaa kaloo nimankan lagu eedeeyay inay lacago u direen ururka Al-Nusra ee ka hawlgala dalka Kenya iyo ururwaynaha Alqaacida oo ay ka tirsantahay Alshabaab.
Nimankan ayaa maxkamad ku taal dalka Maraykanka ay ku eedaysay inay dambiyo halis ah gaysteen maadaama ay ku lug yeesheen fangaraynta ururo uu Maraykanku ku daray liiska ururada argagixisada.
Comments
comments