Calendar

Nin lagu qisaasay Magaalada Marka Ee Gobolka Sh/Hoose.

qisasaBartamaha(Marka):-Maxkamada Alshabaab Marka ayaa xukun qisaas ah ku riday nin la sheegay in uu horay u dilay nin kale gudaha Magaalada Marka.

Fagaaraha garoonka SYL ee Magaalada Marka ayaa lagu qisaasay Maxamed Xasan Qaboobe oo lagu eedeeyay in uu dilay Xaaji Cumaan Abuubaker Nuur oo horay Marka loogu dilay.

Ninkan ayaa la togtay markii ay raali ka noqdeen Ehalada ninkii horay loogu dilay Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose oo loo qisaasayay ninka lagu toogtay shalay fagaaraha.

Qaadiga Maxkamada Magaalada Marka Sheekh Maxamed Cali ayaa xukunka ku dhawaaqay waxa uuna sheegay in ninkaasi laga qisaasayo dilkii uu u geystay ninka kale markii Ehalada ninka la dilay ay dalbadeen qisaasta.

Xukunka ayaa ka dhacay meel fagaara ah waxaana daawanayay boqolaal dadka Magalaad marka ah waxaana maamulka ay wacad ku mareen in shareecada Fulinteeda ay wadayaan illaa laga waayo qof ku dhiirada dilka Qof muslim ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: