Nin haysta Diinta Masiixiga oo sheegay in Beri May/21/2011 ay tahay Maalinta Yoomalqiyaame
Nin haysta Diinta Masiixiga oo qaraar ku gaaray in ay beri May/21/2011 tahay maalintii xaqiiqda ee uu dhacayey Qiyaamuhu nin kan oo magaciisa la yiraahdo Harold Camping oo ah nin faafiya diinta masiixiga wuxuu ku wacdiyey dadka raacsan figradiisa oo uu badanaa ka baahiyo aalada Radioga iyo TV yar oo kuyaal magaalo ku taal.
Goblka Califorinia kula talyaa in ay u diyaar garoobaan maalinta Qiyaame oo sida uu u sheegay dadka raacsan ay tahay beri Harold wuxuu hore ugu khasaaroobay 1994 kii oo uu dhahay waxaan joognaa dhamaadkii dunida hana loo diyaar garoobo dhimasho wixii figradayda qaata oo intaan la gaarin maalintaas u sii diyaar garooba waxay tagayaan janada.
Waxaa sanadkaas figradiisa qaatay dad badan oo caamo ah oo rumaysnaa figradiisa waxayna qudha ka jareen naftooda hadan wuxuu figradiisi soo celiyey sanadkan 2011 isagoo sheegay in uu ku kalsoonyahay maanta qiyaasta uu qiyaasay in ay tahay tii saxda ahayd isagoo sheegay in tii hore ay ka dhinayd Baybalo kale oo uu hada bartay.
Figradan waxaa ku raacsan dad badan oo masixiyiin ah oo ogaa in uu been ka sheegay tii hore ilaa iyo hadan weli aaminsan waxayna diyaar u yihiin in ay u dhintaan iskadaa wax kaloo. Waa inoo beri iyo Bartamaha hadii allaha awoode ogolaado
Qore: Wiilwaal
Comments
comments