Nin gurigiisa dumiyey guri dad kale miyuu dhisaa?
Mashaakilka na soo gaarey si aan uga tabaabusheysano waa inaan daraasa ku sameynaa sida ay wax u dheceen si aysan mar kale u dhicin. Markaan baarey waxaa iisoo baxday xaqiiqooyinkan xanuunka badan:
1.      Weligaa ma aragtey ama ma maqashey qof shaqadiisu ay aheyd inuu guryaha dhiso oo ka qeyb galey dagaalki soomaaliya lagu burburinaayey ama qof ku lahaa guri uu isaga shaqeystey oo baasuuka la dhacaaya guri kale?
2.      Ma aragtey ama ma maqashey qof beeraley ah oo dadka intuu dhex maro ku leh soo baxa maanta bililiqo ayaan raadsaneynaa?
Haddaanan xaqiiqada la iska indha tirin waxaa halkan ku cad, dadka waxey qiimeeyaan wixi uga baxey xoog, waqti iyo maal. Guri waa aasaaska nolosha magaalooyinka iyo tuulooyinka, sidaa darteed, marka uu qofka ku bixiyo waxa uu heysto waxa ugu qaalisan sida xoogiisa, waqtigiisa iyo maalkiisa ma sahlana inuu guri qof kale leeyahay inuu madfac la dhaco iska daaye waxaa adag inuu xabbad ku tuuro. Qof kasta oo guri xalaal ah leh wuxuu garanayaa qiimaha uu leeyahay guriga mana laga yaabo inuu weeraro guri kale. Magaalana waxey ka bilaabatey dad meel wada degey oo ka dhaxeyso iney wanaag ku wada noolaadaan.
Ummad kasta ee hadda adduunka jirta waxa ay ku faantaa taariikhdeeda iyo xadaaradeeda si loo ogaado qiimaha ay u leedahay aadamiga iyo waxa wanaag ah ay kusoo kordhisey. Inkasta aanan aheyn nin ku takhasusey taariikhda iyo aathaarta haddane Soomaalida meelo yar yar oo xeebaha ka mid ah mooyee haddaad gudaha usoo gasho oo aad tiraahdo aan baarno Soomaalida ma weligood bey waddankan deganaan jireen mise wey yimaadeen, waa arrinta ugu sahlan ee aan khibrad iyo aqoon dheeraad ah u baahneyn, waxaana durbadiiba kuusoo baxaaya iney Soomaalida weligood ay halkan degganaan jireen. Calaamadaha lagu garanaayana waxaa ka mid ah inaadan ka heleyn wax shaqo ah oo ay qabteen oo ay ku horumarinaayaan hab nololeedkooda (Guryo, Farsamo). Waxaa daliil cad kuu ah iney Soomaalida weligood degganaayeen Soomaaliya, sida ay hadda u dhaqmaayaan ayaa kuugu filan daliil iney sidan ahaayeen weligood (dad aan shaqo jecleyn una dhintaan iney helaan meel aan la shaqeyn oo inta la sheekeeyo biilna kuu qoran yahay – waa janno janno ku gaar).
Waxaan aad uga walaacaa oo caloosha i xanuuntaa markaan maqlo qof Soomaali ah oo leh annaga haddaan nahay reer Bermingham, annaga haddaan nahay reer London, annaga haddaan nahay reer Stockholm, annaga haddaan nahay reer Washington, annaga haddaan nahay reer Paris, annaga haddaan nahay reer Milaano, annaga haddaan nahay reer Naayroobi, annaga haddaan nahay reer Minasoota, annaga haddaan nahay reer Toronto. Waxaa xaqiiqa ah qofka Soomaaliga ah ee waddamada adduunka gaar ahaan kuwa horumarey jooga inuusan u tegin muhiim uu yahay oo waddamadaas ka dalbadeen khibrad ay ayagu laheyn inuu ka caawiyo ee uu u tegey gargaar loo fidiyey ama mid uu khasbadey uuna ku doodey inuu qaxooti yahay. Waddamada uu Soomaaliga joogo kolley khasaara ma qabaan, xilliyada dhow iyo xilliyada fog ee mustaqbalka, qof kasta marka la tababaro faa’iido ayuu waddanka u leeyahay. Inkasta oo Soomaaliga hammiga ugu weyn uu rabo inuu gaaro aysan dhaafsiisneyn in la biilo asagoon shaqeyn haddane markey ceyrta go’do ay noqoto sheekada is debber abtiyow meel kale ayuu u xerxertaa oo qaxooti laga biilo.
Markaan usoo noqono su’aasheeni hore ee ahaeyd nin gurigiisa dumiyey guri dad kale miyuu dhisaa? waa maya, laakiin waxey Soomaalida la soo noqonee faa’iido weyn oo ah inuu qofka shaqeeyo oo kaliya buu sharaf ku yeelan karaa… meel aanan waddankiisa aheynna guri uma noqon karo… haddaad marka aad badawga aheyd laheyd reer London baan nahay, haddase waxaa kuu cad London ama Washington Rag ayaa dhistey boqol sano ka hor, haddaad nasiib ku yeelatey in lagaa soo dhaweeyo dib u feker inaad adigana yeelato magaalooyin aad berri dadka tabaaleysan ee qaxootiga aad ku soo dhaweyso.
Waxaan aad ugu amaanayaa Soomaalida iney yihiin dadka aadka u yar ee adduunka ku nool oo aan wax dhibaata ah gaarsiinin dabeecadda dhulka hawada iyo biyaha. Sidaa darteed Soomaaliya waxey ka mid tahay meelaha la isku halleyn karo ee suurta gal tahay in la dego markuu badi adduunka wasakhoobo, waxey isku darsatey cimiladeeda oo fiican iyo inaan farsamada degaanka kharibta soo gaarin.
————————-
W/Q:-C/laahi Xamar Cadde.
Comments
comments