Calendar

Nin Gacanta looga gooyay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Bartamaha(Xudur):-Maamulka Islaamiga ah Ee Gobolka Bakool ayaa xukun gacan goyn ah ku riday nin la sheegay in uu Xaday lacag Shillin Somalia ah.
Ninkan ayaa la sheegay in uu Xaday lacag dhan 5-Milyan oo sh/Somalia ah taasi oo uu ku mutaystay in uu waayo gacantiisa midig markii xukun uu ku dhacay fagaara ku yaala Xudur.
Ninka la xukumay oo lagu magacaabo C/kariin C/laahi waxaa la sheegayaa in uu lacagta ka qaatay wiil ay walaala yihiin kaasi oo uu ku dooday in lacagta ay isla ogaayeen balse markii dambe uu tuugnimo ku sifeeyay.
Ninkan waxaa gacanta looga jaray fagaara dad badan ay daawanayeen taasi oo uu ku mutaystay markii lagu eedeeyay in uu xaday lacag aan sidaa qiima u lahayn oo walaalkiis uu ka qaatay.
c/Kariin goobta wax hadal ah kama jeedin waxaana la sheegfay in xukunka ay ku riday Maxkamada Alshabaab Bakool oo sheegtay in ninkaasi uu yahay Tuug lagana jarayo gacantiisa Midig.
Saraakiisha Mamulka Bakool ayaa goobta xukunka ka dhacayay hadal ka jeediyay waxa ay ku hanjabeen in gacmaha ay ka gurayaan ciddii wax ka xada Shacabka Gobolka dagan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: