Calendar

Nin Ethiopian ah oo askar Booliiska Boosaaso ka mida ku dilay gudaha Magaaladaasi.

boosaasoBartamaha(Boosaaso):-Nin dhalasha ahaan ka soo jeeda Ethiopia ayaa dilay askari Booliiska Puntland ka mida ka dib weerar uu mindi u adeegsaday oo ka dhacay Xaafad ka mida Magaalada.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka mida Booliiska Magaalada Boosaaso waxaa la xeray nin dilay Askari Booliiska Boosaaso ka mida markii uu mindi ku weeraray iyadoo uu dhaawacay askari kale.

Ninka falalkaasi ku dhaqaaqay ayaa la sheegay in uu ka soo jeeday Dalka  Ethiopia iyadoo uu weerarkaasi ka dhacay gudaha xaafad ka mida magaalada Boosaaso halkaasi oo markii danbe laga soo qabtay.

Laamaha ammaanka iyo dinbi barista ayaa ku howlan su’aalo wax lga weydiinayo ninka falalkaasi ku dhaqaaqay oo haatan ganacta lagu hayo loona gudbin doono Xabsiyada Magaaladaasi.

Illaa haatan waxaa su’aalo badan ay ka taaganyihiin qaabka ninkaasi uu dilka u geystay iyadoo askarta la ogyahay in ay hub sitaan wallow su’aalo sidoo kale lka weydiinayo askariga dhaawaca ah oo haatan Isbitaalka magaalada la dhigay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: