Nin dhalinyaro ah oo xalay toorrey lagu dilay magaalada Hergeysa
Afar dhalinyaro oo Toorey ku hubeysan ayaa xalay nin dhalinyaro ah ku gowracay Jidka 150 ee magaalada Hargeysa, iyadoo dilkan uu noqonayo kii saddexaad oo ka dhacay Caasimada Somaliland muddo saddex bil gudahood.
Wararka ayaa sheegaya in dhalinyarada dilka geystay ay baxsadeen, inkastoo ciidamada booliska ay howl galo baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Hargeysa, iyagoo ka baadigoobaya kooxihii dilka geystay.
Ninka la dilay ayaa waxaa la socotay gabar, waxaana gabadha la sheegay inay su’aalo weydiiyeen ciidamada booliska, hase ahaatee ay sheegtay in aanay garaneyn heybta kuwa wax dilay.
Lama oga sababaha loo dilay ninkan, iyadoo meydkiisa la dhigay saldhiga booliska xaafada waqooyi ee magaalada Hargeysa.
Dilalkii ka horeeyay dilkan xalay ayaa waxay ahaayeen kuwo loo adeegsaday bastoolado, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn kooxihii ka dambeeyay, mana jirto cid loo soo qabtay.
Comments
comments