NATO oo kororsatay joogida xeebaha Soomaaliya
BARTAMAHA – Saraakiisha ururka NATO ayaa go’aan kugaaray in lasiyaadiyo howlgalka ladagaalanka burcadbadeeda ee biyaha Somalia lana gaarsiiyo ilaa sanada 2016 kadib markii la arkay iney sii socoto qatarta kooxaha burcadbadeeda.
Bishii August sanadkii 2009 maraakiibta ururka NATO ayaa biyaha Somalia kabilaabay howlgalka ladagaalanka burcadbadeeda,howlgalkaa oo ujeedkiisu ahaa in layareeyo qatarta kooxaha burcadbadeda.
Gaanshaabuurta NATO ayaa warbixinteeda kusheegtay in 90% maraakiibta ganacsiga ay si nabad ah hada kumaraan biyaha Somalia iyo gacanka Aden.
Sanadkii 2011 kooxaha burcadbadeeda somalida ayaa qabsaday 24 maraakiib shisheeye ayadoo isla sanadkaasi weerarada kooxuhu ay qaadeen lagu sheegay 129 weerar.
Inkastoo kooxaha burcadbadeeda laga adkaaday hadana waxaa jira cabsi laga muujinayo iney jirto qatarta kooxaha burcadbadeeda.
Comments
comments