Calendar

Nairobi: Xisbi Siyaasi ah oo lagu dhawaaqay.

DSC06913

Bartamaha (Nairobi):-Munaasanad ka dhacday Hotel Barakaat ee Magaaladda Nairobi ayay Xisbiga Somali Peace Progress ku shaaciyeen in ay yihiin xisbi cusub oo Siyaasada Soomaaliya ku soo biiray.

Munaasabadan oo aad loo soo agaasimay waxaa goob joog ka ahaa, Siyaasiin, Culumaa’udiin, Haweenka, dhalinyaro iyo qeebaha kala duwan ee bulshada iyadoo Munaasada laga jeediyay qudbado badan.

Shiikh Jacfar Haji oo ka mid ahaa Culumadii meesha ka hadashay gaar ahaana diirada saaray Islaam-ka Siyaasiga ah ayaa cadeeyay in islaamka iyo Siyaasada aysan kala maarmin iyadoo uu cadeeyay Shiikh Jacfar in Islaamku uusan ku ekeen Masaajida iyo xaafadaha.

Xisbigan cusub ee Somali peace Progress waxaa la aas aasay bishii July ee sanadkii 2006, iyadoo shantii sano ee uu jiray Xisbigan uu ku dadaalay sidii uu shacabka Soomaaliyeed loo bari lahaa Xisbiga iyo siyaasada uu Mustaqbalka Damacsanyahay.

Faadhil Shiikh Maxamed oo ah Gudoomiyaha Xibsiga Somali peace progress oo ka hadlayay munaasada ayaa cadeeyay in Xibsiga Somali peace Progress uu yahay Xisbi Siyaasi ah wixii hadda ka danbeeya.

“Soomaaliya Dhibaatadda ka sii socota haddii aynan Soomaalida xal ka gaarin aduunka waxa uu naga qaadan doonaa go’aan” sidaa waxaa yiri Faadhil Shiikh Mohamed oo ah gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Somalia peace progress.

Dhan kalle Gudoomiyaha Xisbiga SSP ayaa sidoo kalle sheegay in haddii ay ku guuleestaan Hogaanka dalka ay wax badan ka qaban doonaan horumarinta iyo badaadinta Qaranimada Soomaaliya.

Munaasabada lagu soo bandhigayay Siyaadad Xisbiga cusub ee SSP waxaa sidoo kalle ka hadlay Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin dhamaantooda waxa ay cadeeyay in ay taageersanyihiin fikirka ah in Soomaaliya ay hesho Xibsiyo Siyaasadeed si looga baxo dhibaatooyinka dalka ka jira.

DSC06965

Wixii ka danbeeyay sanadkii 1991 dalka Soomaaliya kama jirin dowlad dhaxe walina dagaaladda iyo burburka Qaranka Soomaaliya wuu sii socdaa, Basle dad badan ayaa aaminsan in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Xisbiyo Siyaasadeed la aas aaso sidii loo heli lahaa xal Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn xisbigaan ayaa ah nuuciisa kii ugu horeeyey oo shaaciyaan mas’uuliyiintiisa iney galayaan siyaasadaha socda si ay isbadal u sameeyaan.

Ibraahim Da’ud Cabdalle “Gentleman”

[email protected]

Xafiiska bartamaha ee Nairobi,Kenya

Sawiro Dheeraad ah halkan ka daawo.

DSC06986

DSC06938

DSC06923

DSC06957

DSC06946

DSC06931

DSC06997

DSC06934


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: