Nigeria oo ku haminaysa inay Ciidan u soo dirto Soomaaliya
Bartamaha (Naigeria):- Dowlada Naigeria ayaa shaaca ka rogtay in ay ku tala jirto ciidamo u soo dirida dalka Soomaaliya xilli muddo balan qaadkaasi uu yaalay.
Joy Ogwu oo ah Wakiilka dowladda Nigeria u qaabilsan Quramaha ayaa shaaca ka rogay in Dowlada Naigeria ay hamigeeda ku hayso in Ciidan ay u dirto dalka soomaaliya.
Wakiilka waxa uu cadeeyay in Dowladiisa ay diyaar la tahay askar badan oo soomaaliya la geeyo balse waxa uu shuruud uga dhigay in Ciidankaasi ay helaan xuquuda la siiyo kuwa haatan jooga Somalia.
Joy Ogwu ayaa sheegay bin Dowlada Naigeria ay hadda hayso kumanaan ciidan nabad dhalin diyaar u ah balse waxa uu qaramada Midoobe ugu baaqay in ay cadayso fekerkeeda ku aadan dhaqaalaha Ciidanka.
hadalka masuulkan ayaa u muuqanayay mid ay Dowladiisa ku doonayso balan qaad dhanka Qaramada Midoobe ah kaasi oo ku aadan helitaanka lacago culus oo Ciidanka soomaaliya lagu geeyo iyo biilka askarta.
Soomaaliya ayaa waxa haatan ku sugan in ka badan 8-Kun oo askari oo ka kala socda Dalalka Ugandha iyo Burundi oo kaliya waxaana ay u taag la’yihiin iska caabinta xoogaga qaraxyada iyo weeraarada la beegsanayay goobaha Muhiimka ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Admin @www.bartamaha.com
Comments
comments