Nabadoono ku baaqay dagaal toos ah oo lala galo Puntland.
Bartamaha (Galgala):- Nabadoon ka mida Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Bari ayaa ku baaqay in dagaal toos ah lagala hortago Ciidanka Puntland.
Nabadoon C/raxmaan Faarax Gurxan oo deegaan ka soo jeeda Gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay in aanay ku sii Eegan doonin Cidianka Puntland ee weli duulaanka ku sii ah dhulka Buuralayda Galgala.
Nabadoon Gurxan ayaa waxa uu ugu baaqay dadka dagan Gobolka Bari in ay la dagaalamaan Puntland isagoo sheegay in aan loo sii dulqaadan karin duulaanka gardarada ah ee Ciidanka Puntland.
Oday dhaqameedka dagaalka ku baaqaya ayaa u sababeeyay fekerkiisaas in deegaanka ay dhibaata ka gaysteen Ciidanka Puntland waxa uuna sheegay in ay gubeen beera badan oo ku yaalay deegaanka Galgala.
Nabadoonka waxa uu kale oo hadalkiisa uu u cuskaday bin aan la fiirsan karin qaabka ay Ciidanka ula dhaqmayaan haweenka Deegaanka ka soo jeeda oo uu sheegay in ay Xijaabka ka dhigayaan xilli waliba oo ay qabtaan.
Nabadoon C/raxmaan Gurxan marka uu ka hadlayay dagaalada ka jira Galgala ayaa cara xoogan laga dareemayay hadalkiisa waxa uuna wacad ku maray in mar uun lala xisaabtamayo saraakiisha dagaalka wada.
Hadalka Nabadoonka waxa uu imaanayaa xilli weli dagaala ay ka jiraan Buuralayda Gobolka Bari oo ay weli awood ku leeyihiin Kooxda uu horboodo Wadaadka ku kacsan Puntlane Ee lagu magacaabo Sheekh Atam.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments