Nabadoon Xalay lagu dilay Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Kooxo dablay ah ayaa Xalay dil u geystay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanadaasi kaasi oo xalay u dhintay rasaas ay ku fureen koox hubaysan.
Nabadoon C/laahi Ibraahim Baabul-kabiir oo ahaa gudoomiyihii Digil iyo Mirifle gobolada dhexe  ayaa Xalay rag hubaysan ay ku dileen bartamaha Magaalada Gaal-Kacyo.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa la sheegay in dhawaanahan uu ku sugnaa Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo wallow xalay ay dileen rag aan la garan oo qoryaha fudud ku hubaysnaa .
Lama qaban kooxdii dilka u geysteen Nabadoonka ka soo jeeda Deegaanada Bay iyo Bakool iyadoo Ciidamada Booliiska Xalay dhankooda la weeraray oo ay ku mashquulsanayeen baaritaano la xiriira qaraxa lagu tuuray.,
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments