Naafada Ciidamada Xooga Dalka oo ka cabanaya Ciidamo Booliis ah oo soo dagay Isbitaalkii Martiini Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Naafada Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya Ciidamo Dowlada ka mida oo soo duldagay Xarunta Isbitaalka Martiini Ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Naafada Xooga Dalka Cabdi Mahad Cabdi oo maanta Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay garan waayeen Kooxdan Ciidamada ah waxa ay ujeedada ka leeyihiin in ay culeys saaraan Cuuryaamiinta ayuu yiri afhayeenka Naafada.
Afhayeenka Naafada ayaa xusay in ay u tageen Maamulka Gobolka oo Booliiskaasi soo dagsaday goobta iyo Taliska Guud Ee Ciidamada Booliiska balse illaa haatan wax laga qaban waayay Ciidamadaasi.
Ciidamada soo dagay Xarunta Naafada Ee Isbitaalka Martiini ayaa waxa ay si weyn uga cabsanayaan Kooxdan Ciidamada Dowlada ka tirsan ee dhibaatada ku haysa Cuuryaamiinta Ciidamadii Naafada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments