Calendar

Naadiga HADAF ee Fanka iyo Wacyigelinta oo xusay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed

Bahda Fanka

Bartamaha (Nairobi):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka may ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay Meridian Hotel Nairobi, taasoo uu soo qabanqaabiyay Naadiga HADAF ee Fanka iyo Wacyigelinta.
Waxaa munaasabaddaasi ka qeybgalay isla markaana khudbado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Danjiraha Safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, aqoonyahanno, dad ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Hal-abuurro suugaan halkaasi ka soo jeediyay.
Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay inay nasiib-darro tahay, dhibaatada dalka ka jirta in loo adeegsado qaar ka ka tirsan dhallinyarada dalka, “Dhallinyarada waxaan farayaa inay ku dadaalaan waxbarashada iyo wacyigelinta” ayuu yiri Danjiruhu.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa sheegay in kaalinta maanta maqan ay tahay door la mid ah kii SYL oo looga fadhiyo dhallinayarada si ay u beddelaan odayaasha hoggaanka haya, “Dhallinyaroy maanta waad seexateen” ayuu yiri wasiiru-dowlaha oo guubaabinayay dhallinyarada.
C/raxmaan Macallin Baadiyow ayaa kula taliyay dhallinyarada maanta inay u istaagaan samatabixinta dadkooda iyo dalkooda, ayna ku daydaan waddadii ay mareen 13kii dhallinyaro ee aasaasay SYL oo horsed u noqotay xoriyadda Soomaaliya.

Khaliif Cali Guure oo ka tirsan Naadiga HADAF ee Fanka iyo Wacyigelinta ayaa sheegay inay ka madaxbannaan yihiin siyaasadda, ayna u aasaaseen Naadigan ujeeddooyin qaran, “Waxaan ku dadaaleynaa horumarinta fanka” ayuu yiri Khaliif oo sheegay inay fanka u adeegsan doonaan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
“Maalin weliba oo ina dhaafta waxay noo tahay dhibaato, sidaas darteed waa ineynu u ustaagnaa dabo-qabashada bulshadeena” ayuu yiri Khaliif oo hadalkiisa sii raaciyay “Dhallinyarada Soomaaliyeed hadda ma qabaan wacyigii ahaa in qarannimo la tiigsado, waxaan dooneynaa inaan gaarno maskaxdooda annagoo u mareyna wacyigelin suugaaneed”.
Intii munaasabadda socotay waxaa halkaasi tixo suugaaneed ka soo jeediyay Hal-abuurro ay ka mid yihiin Xasan Garaad Warsame, Khadiijo Ciise, Xasan Bulxan iyo Maxamed Cilmi, oo dhammaantood ka hadlay wacyiga jira iyo dhibaatada haysata dhallinyarada.
Fannaaniin caan oo ka tirsanaa Hoballadii Waaberi oo ay ka mid ahaayeen Khadiijo Fooday Nuur iyo Muslimo Qaasim Hilowle iyo Kooxda Horyaal Band oo uu hoggaaminaayay Maxamuud Goox Qarboosh ayaa halkaasi ku soo bandhigay heeso waddani ah oo ay intooda badan kula hadlayeen dhallinyarada.
Naadiga HADAF ee Fanka iyo Wacyigelinta oo dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi, ayaa munaasabaddani waxay ahayd tii ugu horreysay ee ay soo qabanqaabiyaan, waxaana ay sheegeen inay howlo badan u qorsheysan yihiin, ayna soo saari doonaan dhawaan suugaan cusub oo heeso, maansooyin iyo gabayo isugu jirta oo u badan wacyigelin.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Bartamaha, Nairobi, Kenya.

Danjire Ameeriko, Baadiyow iyo Wasiiru-dowlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Danjire Maxamed Cali Ameeriko

Khadiijo Fooday, Qarboosh iyo Muslimo

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: