M/weyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden oo Dalka Kenya soo gaaray.
Bartamaha (Nairobi):-M/weyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden iyo Xaaskiisa ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya soo gaaray June 7, 2010 waqtiga marka uu ahaa 8:30pm iyadoo Garoonga Joma Kenyata International Airport ee uu ka soo dagay ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Kenya M/weyne Ku Xigeenka Kolanso Musyako.
Joe Biden ayaa la filayaa in uu Magaaladda Nairobi joogo mudo Sadax Maalmood ah isagoo ka hadli doona Aftida dhawaan la filayo in Dasduurka cusub ee Kenya yeelan doonto ay Shacabka reer Kenya u codeen doono, sidoo kalana la filayo in uu ka hadlo arrimaha dalalka Sudan iyo Soomaaliya.
M/weyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden ayaa la dajiyay Hotel-ka Intercontinantal ee ku yaala bartamaha magaaladda Nairobi ee dalka Kenya iyadoo Amaanka la adkeeyay goobaha u dhow iyo jidadka soo gala Hotel-ka Intercontinantal sidoo kalle la xiray.
Saraakiil ka tirsan Heyada FBI-da Mareekanka Ciidanka dalka Kenya kuwa loo yaqaano GSU iyo kuwa danbi baarista iyadoo inta badan City centre-ka Magaaladda Nairobi aad loo adkeeyay Amaankeeda.
Joe Biden ayaa inta uusan soo gaarin dalka Kenya ku soo hakaday dalka Masar isagoo Kulan gaar ah la yeeshay Madaxwayanah dalka Masar Madaxwayne Xusni Mubaarak labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xaaladda Bariga dhaxe iyo gaar ahaan Weerarkii dowladda Isreal ay ku qaaday kooxdii Mucaawinada u waday Magaaladda Gaza.
Maalinta Khamiista ah taarikhudana ku beegantahay June 10, 2010 la filayaa in Joe Biden uu Khudbad dheer ka jiido KICC oo ah Xarunta Shirarka ee dalka Kenya.
June 8, 2010 Joe Biden ayaa kullan la yeshay Madaxwayne Kibaki iyo R/wasaaraha dalka Kenya iyadoo kulanka kadib ay warbaahinta kula hadleen magaaladda Nairobi iyadoo Madaxwayne Kibaki uu Dowladda Mareekanka ka codsaday in ay Hogaamiyaan dadaaladda lagu doonayo in dalka Soomaalia nabad loogu soo dabaalo.
Joe Biden ayaa sidoo kalle booqday Dhismihii Safaaradii Hore ee dowladda Mareekanka sanadkii 1998 ay kooxda Al-Qa’ida ku burburiyeen Qarax ay la beegsadeen iyadoo ay waxyeelo ka soo gaartay dad u badan Shacabka reer Kenya.
Joe Biden kadib marka uu dhameesto sadaxda Maalmood ee uu joogo Magaaladda Nairobi waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo furitaanka koobka aduunka ee June 11, 2010 la filayo in ay ka furmaan dalka South Africa.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments