Muwaadiniin Soomaali Oo Kusugneyd Libiya oo Lagu soo daad gureeyay Masar
Bartamaha:Wararka ka imaanay Dalka Dagaalada xogan ka jira Ee Libiya ayaa sheegaya in Soomaali badan laga daad gureeyay Magaalada Benghazi EE dalka Libiya iyagoo la geeyay Waddanka Masar.
Muwaadininta Soomaalida ah oo ku dhibaateesnaa Liibiya ayaa lagu dad gureeyay Magaalada Alexandria Ee Dalka Masar iyagoo wadanka Libiya loogu soo saaray Markab wayn ee usoo dirtay Jaamacadda Carabta iyo Dowaldda Masaarida.
Soomaalida laga so daad gureeyay wadanka ay dhibaatada xoogan ku qabsatay rabshadaha Dalka Libiya ka socda ayaa gaaraya 30 Muwaadiniin Soomaali ah iyadoo ay haatan Magaalada Benghazi ku hareen Soomaali kale oo lagu qiyaasay inka badan Boqol Muwaadiniin Soomaali ah.
Salmaan Madaxeey oo wali baaqi ku ah Dalka Rabshadaha xoogan saameeyay Ee Libiya ayaa www.Bartamaha.com u sheegay in wali jirto Soomaali badan oo dhibaato tii ugu darnayd kala kulmay kacdoonada ka socda Libiya isagoo sheegay inay diideen in loo qaado Waddanka Sudan si loogu badbaadiyo inay saameeyaan rabshadaha loogu soo horjeedo Madaxwaynha Libiya Ee Omar Qadafi.
Ugu Danbayntii Soomaalida laga daad guraynayo gudaha Libiya ayaa imaanaysa Xilli Dowladda FKG Somaaliya ay ka codsatay Dunida Caalamka in Muwaadiiniinta Soomaalida laga soo saaro Waddanka iyo magaalooyinka banaanbaxyda rabshada wata ka socda Libiya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments