Musharixiintii Xilka Wasiirka 1-aad oo u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya (Daawo Sawiro).
Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa bilaabay kulamo uu kula yeelanayo xafiiskiisa Masuuliyiinta qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa waxa uu la shiray raggii u sharaxnaa Xilka uu isaga qabtay, xildhibaanada iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii Dowladii hore Ee Ra’iisul Wasaarihii tagay Sharma’arke.
Dhammaan masuuliyiintaas waxa ay Wasiirka 1-aad ugu hambalyeynayeen xilka culus ee loo magacaabay iyaga oo dhanka kale u ballan waadayey taageero buuxda.
Musharixiintii uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Xuseen Khalif Jama iyo G/Sare C/qaadir Sheekh Ali-Diini oo labaduba ahaa safka hore ee dadkii u tartamayey xilka uu nasiibka u helay.
Labada mushrax waxa ay R/Wasaaraha u rajeeyeen guul isaga oo dhankiisa u sheegay in aan looga maarmi doonin samatabixinta Soomaaliya kaalintii doonaan ha ka galeene.
Dhanka kale, R/Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa salaaddii jimcaha kula tukadey Masjidul Shuhadaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii ku Meel gaarka Cabdiwaxid Cilmi Cumar Wasiirro, xildhibaanno iyo shacab badan.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments