Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaara shacabka soo gaaray.
Bartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib duqeyn culus oo loo geystay xaafadaha Caasimada Muqdisho.
Duqeynta xalay oo ahayd mid si gaar ah loola beegsanayay xaafadaha Woqooyiga Magaalada ayaa sababtay qasaara dhimasho iyo dhaawac leh.
Inta la ogyahay 4-qof ayaa dhimatay 5-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii tiro madaafiic ah ay kun dhaceen xaafadaha Shibis,Kaaraan iyo Boondheere.
Xaalada guud ayaa saaka ah mid dagan waxaana la soo sheegayaa Barakac ka bilowday xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho oo hotay au uga barakaceen dadkii ugu badnaa ee daganaa deegaanadaasi.
Inta badan madaafiicda Hoobiyayaasha ayaa waxa ay yihiin kuwa si joogta ah loogu garaaco xaafadaha Caasimada Muqdisho taasi oo qasaaraha ugu badan uu shacabka ka soo gaaro.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments