Muqdisho oo saaka dagaal ka dhacay iyo duqeyn xalay looga afuray.
Bartamaha (Muqdisho):- Xaalada guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa  jawi daganaansha ah ku soo laabatay ka dib markii Dagaal saaka looga toosiyay shacabka iyo duqeyn xalay ka dhacday magaalada.
Madaafiic u badan Hoobiyayaal ayaa Xalay xiligii Afurka la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho taasi oo waxyeela dad shacab ah ugu geysatay xaafadaha ay ka daganyihiin Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.
Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa Hoobiyayaal ku garaacay Villa Somalia waxaana la xaqiijiyay in jawaab aad u culus ay ka soo baxday xaruntaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom.
Tira Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa ku dhacay Villa Somalia iyadoo jawaabta ka soo baxday ay ku dhacaysay xaafadaha Degmada Yaaqshiid iyo qeybo ka mida Degmada Wardhiigley Ee Magaalada Muqdisho.
Xaafadaha jawaabta ay ku soo dhacday ayaa waxaa inta badan ka barakacay dadkii daganaa wallow ay weli ku harsanyihiin dad shacab ah kuwaasi oo deres la noqday waxyeelada joogtada ah ee madaafiicda ka soo gaaraysa.
Qasaaraha xalay ayaa waxaa lagu sheegay dhaawaca 7-qof oo shacab ah wallow aan la xaqiijin tirada shacabka ku dhintay duqeynta xalay iyadoo aan la ogayn qasaaraha kala gaaray labada dhinac ee is dhaafsatay Hoobiyayaasha.
Dhanka kale dagaal aad u qaraar ayaa saaka ka dhacay xaafadaha Degmada Hodon ka dib markii Maleeshiyada Xizbul Islaam ay weerarv ku qaadeen goobo ay ku suganyihiin Ciidanka Dowlada iyo kuwa Ahlu sunnah.
Dagaalka saaka oo daba joogay dagaal Maalin ka hor ka dhacay degmadaasi ayaa waxaa barbar socanayay Madaafiic dad shacab ah waxyeela ugu geysatay Suuqa Bakaaraha iyo xaafada ku dhowdhow.
Inta la ogyahay dagaalka saaka ayaa waxa uu sababay dhimashada 4-ruux iyo dhaawacyo badan oo aan la xaqiijin tiradooda oo ay daad gureeyeen Gawaarida Gurmadka Deg Dega ah Ee ka shaqeeyay magaalada.
Xaalada guud ahaa daganaan ku soo laabatay markii ay is mari waayeen labada dhinac waxaana marar qaar laga maqalayaa degmadasi rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan taasi oo waxyeela ka geysanaysa deegaano ka baxsan goobta dagaalka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments