Muqdisho oo Madaafiic iyo Dagaal Xalay laga maqlay.
Bartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho oo noqotay magaalo dagaal ayaa waxaa Xalay ka dhacay Dagaal qaraar iyo Madafiic ku dhacaysay goobaha shacabka daganyihiin.
Dagaalka Xalay ayaa waxa uu bilowday fiidnimadii hore markii weerar ay qaadeen islaamiyiinta ay garneelo la beegsadeen Wadada Sayidka oo ay daganyihiin Ciidanka Dowlada.
Dagaalka oo socanayay muddo saacad ka badan ayaa waxa la is dhaafsanayay rasaasta Fudud iyo Madaafiicda garbaha laga gano taasi oo Caasimada si xoogan looga maqlayay.
Madaafiic culus ayaa bilaabatay dagaalka ka dib waxaana la garaacay Xaafadaha Siinaay,Xararyaale,Sanca,Shibis iyo Bakaaraha oo ka baxsan wadada Sayidka oo dagaalka uu ka dhacay.
Qasaaraha Xalay shacabka soo gaaray madaafiicda ayaa lagu qiyaasay dhimashada 6-qof waxaana Isbitaalka Dayniile dhaawac ahaan loo geeyay 14-ruux oo dhammaan ah dad shacab ah oo madaafiicda ay kula dhacxday Xaafadaha la bamgareeyay.
Waxaa si joogta ah magaalada loogu laayaa dadka shacabka ah Madaafiic u bahan Hoobiyayaal oo Habeen iyo Maalin aan shacabka dhimanaya looga dhixin duqeynta balse la garaaco deegaanada ay u badanyihiin.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments