Muqdisho oo maanta xasiloon aan caga badan ku taagnayn laga dareemayo ka dib dagaalo shalay gilgilay caasimada.
Bartamaha(Muqdisho-Somalia):-Magaalada Muqdisho oo ay shalay u ahayd maalin dagaal ayaa saaka waxa ay dadka ku soo tooseen xasilooni aan caga badani ku taagnayn.
Â
Dagaalka shalay oo ay masuuliyadiisa weerarka uu ku bilowday sheegatay dowlada soomaaliya ayaa waxa uu noqday mid dowlada ay guula ka gaartay daqiiqadihii hore ee uu dagaalka bilowday balse waxaa ay riyadaasi ay beenowday ka dib markii kooxda mucaarka ay meel waliba isga yimaadeen.
Â
Goobaha ay dowlada xilligii hore la wariigtay ayaa waxaa saaka ilaa shalay xilligii danbne si dagaal la’aan ah ku sugnaa raga mucaaradka oo u daadagay dhanka xarunta madaxtooyada soomaaliya.
Â
Gabi ahaanba waxaa cakiran isku socodka dadka iyo gaadiidka caasimada gaar ahaan dhanka woqooyi ee magaalada halkaasi oo ay welli xiisad dagaal ay ka taagantahay oo labada kooxood ay isku rasaaseynayaan agagaarka isgoyska Snaca iyo isgoyska 4jardiino.
Â
Isku soo duube xaalada caasimaha ayaa u muuqata mid yara xasiloon iyadoo labada dhinacba ay wadaan hub urursi baaxad leh ka dib markii shalay ciidamada dowlada soomaaliya ay ku fashilmeen weerarkii ay ku qaadeen fariisinada kooxaha mucaradka.
Â
Â
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments