Calendar

Muqdisho maxaa ka soo socda Maalmaha soo aadan(XOG-Rasmi ah).

ciida,mad dowdaBartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho oo dagaalo ay joogta ka noqdeen ayaa maalmaha soo aadan waxaa laga cabsi qabaa in uu ka dhaco dagaal lagu soo afjarayo xasaarada Muqdisho.

Dowlada KMG ah oo dhawaanahan ay Ciidamo tababar u jireen ayaa heshay dhammaan askartii ka maqnayd iyadoo bilowday abaabulkii ugu danbeeyay.

Xeryaha Ciimada Dowlada ee Magaalada Muqdisho ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay iyadoo askarta ay bilaabeen in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.

Wadooyinka ayaa waxaa ku sii yaraanaya Ciidamadii dhibaatada ka shaqeyn jiray ee baarashada bulshada kula dhaqaaqi jiray.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada ay dhawaan samayn doonaan weerar ka dhan ah Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka.

Naqshad lagu arkay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muujinaysa xeryaha Ciidanka Dowlada loogu tala galay in ay daganaan maalmaha nagu soo aadan.

Howl-galka Ciidanka Dowlada ay ku dhaqaaqayaan ayaa waxaa hogaan guud u ah Madaxweyne Shariif oo hogaamin doono qeyb ka mida Ciidamada ku dhaqaaqaya howlgalka ka dhanka ah Mucaaradka.

Wararka ku aadan dhaqdhaqaaqa ayaa isa soo taraya iyadoo Maalmaha nagu soo aadan la filayo in ay Ciidanka Dowlada Howlgal Wadooyinka Waaweyn ay ku soo baxayaan ay samayn doonaan.

Ciidamada Amisom ayaa dhnkooda diyaarinaya hubkii iyo Saanadii Ciidanka iyadoo maalin waliba hub la tijaabinayo laga maqlo Xerada Xalane oo ah goobta ay daganyihiin Ciidamadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: