Madaxweyne Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirka ka fumay maanta magaalada Istanbuul
Muqdisho (www.Bartamaha.com) :- Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo o xalay gaaray dalka Turkiga ayaa ka qayb galaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo gor dhow ka furmay magaaladda Istanbuul ee Dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xaley waxa ay gareen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Abaarre Kowdii Saqdii dhexe ee xalay
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu khubad uu kaga hadlaayo arrimaha soomaaliya uu ka jeedyo oo ay ku jiraan in gargaar la siiyo deg deg ah dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku nool gudaha Soomaaliya .
Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kamid ah Ra’isulwasaare Ku-xigeennada ahna Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga iyo sidoo kale Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Shirkan ayaa waxa marti galinaya dowladda Turkiga, Xilli barri lagu wado magaaladda Muqdisho in ay yimaadaan wafdi ballaaran oo u hogaaminaayo ra’iisal wasaaraaha Turkiga ee Rajib Tayib Ordugaan
Wixii ku soo kordha shirkan oo hadda furay waxa aan idiinku soo gudbin doonaa wararkeena dambe.W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments