Munaasabadda Ciida oo maanta siweyn looga xusay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Bartamaha(Kismayo):- Munaasabada Ciidul Adxaa Al Mubaakar ayaa maanta si weyn looga xusay gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose iyadoo ay dadka reer kismaayo kala simanyihiin xaga dabaaldegga iyo soo dhaweynta ciida Carafo inta badan wadamada ay ku dhaqanyihiin muslimiinta ee ku yaal Daafaha Caalamka.
gudaha magaalada kismaayo ayaa maanta waxa siweyn looga dareemaya soo dhaweynta farxadda ciida iyadoo aad arkeyso in dadka reer kismaayo ay ku faraxsanyihiin munaasabadda ciida Carafo.
Waxaad arkeysaa caruur yar yar oo iyaguna muujinayo farxadooda ku aadan munasabadda ciida kuwaasi oo wata qalabka ay caruurta ku cayaraan maalmaha ciida sida Baastooladaha Baaruuda iyo weliba waxyaalo kale oo ay ku cayaaraan.
waxaa sidoo kale maanta mashquul aad u weyn laga dareemayaa gawaarida nooca BL-ka loo yaqaan ee qaada dadweeynaha iyadoo ay maanta gawaarida badankooda ay dadka lacag la’aan ku qaadayeen islamarkaasina ay geynayeen fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo halkaas oo ah goobta lagu tukanayay Salaadda Ciida.
sikastaba ha ahaatee waxaa maanta laga ciidaayaa guud ahaan dunida muslimka iyadoo magaalada kismaayo ay kamid tahay goobaha sida weyn maanta looga ciiday.
Â
Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com
ICC
Kismayo-Somalia
Comments
comments