Munaasabad oo maanta xilka ku wareejinayay guddoomiyihii degmada C/casiis.
Munaasabad uu maanta xilka ku wareejinayay guddoomiyihii degmada C/casiis ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Degmadaasi.
Yuusuf Cali Indhoole guddoomiyihii hore ee degmadaasi ayaa wuxuu xilka ku wareejiyay C/llaahi Xasan Axmed kaasi oo noqonaya guddoomiyaha degmada C/casiis ee Gobalka Banaadir.
Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo sidoo kale iyo masuuliyiin kale dadweyne aad u fara badan.
Waxaa halkaasi ugu horayn ka hadlay guddoomiyihii degmada C/casiis Yuusuf Cali Indhoole kaas oo sheegay in maanta si rasmi ah uu xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo soo magacaabay.
Guddoomiyaha maanta xilka wareejiyay ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka degmada C/casiis in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Degmadaasi.
C/llaahi Xasan Axmed oo ah guddoomiyaha Cusub ee maanta loo magacaabay Degmada C/casiis ayaa u mahad celiyey Maamulkii ka horeeyey ee xilka ku wareejiyey wuxuuna sheegay in maamulkii hore uu wax badan ka qabtay xaaladda ammaan ee Degmadaasi isna dhankiisa uu rajeynayo inuu wax badan qabto.
ugu danbeyntii waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyaya Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in la isku calool furnaado islamarkaana dadka deegaanka ay la shaqeeyaan maamulkan cusub sidoo kalena wuxuu xusay in xitaa isaga haddii xilka wareeji la yiraahdo uu diyaar yahay oo uu wareejinayo.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments