Munaasabad Calanka looga taagayay Safaaradii Soomaaliya Kenya oo ka dhacday Nairobi (VIDEO + PHOTOS)
BARTAMAHA (NAIROBI):- Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Xarunta Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Kenya ayaa Calankii Soomaaliya looga taagay dhismaha Safaaradaasi.
Munaasabad aad loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Xarunta Safaarada Soomaaliya Ee Kenya oo dhawaan laga soo dhiciyay nin si sharci dara ah u iibsaday markii muddo Maxkamad socotay guul ay ku soo afmeerantay.
Daawo Video-ga
Munaasabada oo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed,Wasiiro soo maray Dowlada KMG ah sida C/raxmaan C/shakuur,Maxamed Cumar Dalxa,Mustaf Dhuxulow,Safiirka Talyaaniga Stifano Dejak iyo madax kale.
DAAWO SAWIRADA:-
[slidepress gallery='calansaarka']
Munaasabadan farxada iyo Calan saarka ahayd ayaa waxaa soo agaasimay Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo maanta muujinayay farxadiisa ku aadan Calanka Soomaaliya oo si toos ah looga taagayo dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo muddo aan calan lala dhex tagin oo aan muuqaalkiisa lagu arkin.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya oo furay Munaasabada ayaa waxa uu soo dhaweeyay marti sharaftii iyo Soomaali badan oo dhammaan ahaa kuwa u heelan kuna faraxsanaa Xaflada ay ku samaysteen Soomaalida gudaha Xaruntooda Safaarada Ee dalka Kenya ku lahaayeen oo muddo dheer aanay ku shaqeysan.
Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Stifano Dejak ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweeyay dib u helida dhismaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya waxaana uu sheegay in Dowlada Talyaaniga ay gacan ka sii gaysan doonto sidii Safaarada Soomaaliya ay u noqon lahayd goob lagu shaqeysan karo.
Waxaa Munaasabada ka hadashay Xaaskii Safiirkii hore Ee Soomaaliya u fadhiyay wadanka Kenya oo loo xeray safaaradan badbaadinteeda awgeed waxaana ay jaleecday taariikhdii dhibka badnayd ay ka soo martay safaarada hadda dib loo soo celiyay dhismaheeda waxaana ay la ilmaysay xasuusta arintaasi.
Xaaska safiirkii geeriyooday Allaha u naxariistee Muuse Xirsi Faafiye waxaa garbaheeda taagnaa Laba Caruur ah oo Wiilka oo 2-jir xiligaasi ahaa Xabsiga lala galiyay Aabhihiis iyo Hooyada manta uu garabkeeda taagnaa waxaana jiray gabar xiligaasi Uurka ku jirtay oo xasuusta dhacdadii xariga ahayd markii ay dib u maqashay ilmada ay ka qubatay.
Goobta ayaa manta ahayd mid lagu soo bandhigayay taariikhda dadkii soo halgamay ee soo badbaadiyay safaarada Soomaaliya dalka Kenya waxaana guushaasi soo hooyay Ambasaddor Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo Qunsul Edsom.
Dhammaan waxgaradkii,aqoonyahanadii iyo siyasiyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa waxa ay soo wada bandhigayeen farxadooda ku aadan in la soo dhiciyay dhismo dhumay oo sharci daro looga Iibsaday dad aan danta Umada eegin.
www.Bartamaha.Com ayaa jaleecay dhismaha Safaarada iyo xaalada uu ku sugnaa waxaana indhaha qopf walba oo gala uu qabanayay dhismo boos weyn ku fadhiya balse bilicdiisa ay xilli hore luntay.
Raadadka aad dareemaysid markii aad gudaha u gashid dhismaha Qaranka lahaa ayaa noqday mid aad xasuusanaysid dhismayaashii burburay ee dalkeena oo Ugaadha iyo halaqyada hoyga u noqday.
Waxaa dhismahan laga dhigay Xanaanaynta Xoolaha nool sida Lo’da, waxaa kaloo raadadka ka muuqanaya ay yihiin in Eeyo,Digaaga iyo Shinida lagu dhaqaaleyn jiray dhismahasi sida muuqaalka sawirada aad ka dheehan doonto.
Xaflada ayaa waxaa lagu soo afmeeray Calankii soomaali6ya oo sarec loo qaaday lagana taagay goobtii loovgu talagalay oo 1994-tii si awoodi ku dheehnayd looga dhigay dhulka calankeeniina looga tuuray xiligaasi.
Abdirizak Yusuf Kampala
www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.
Comments
comments