Calendar

Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow lagu toogtay magaalada Muqdisho

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow lagu dilay Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wada jir, iyadoo dilkiisa ay geysteen Kooxo hubeysan oo saarnaa gaari.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabayay Xuseen C/salaan, kaasoo dhiganayay Jaamacada Muqdisho, weerarka ayaa dhacay wax yar kadib markii uu jaamacada ka soo baxay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in markii rasaasta lagu dhiftay Xildhibaanka loola cararay Isbitaalka, hase ahaatee intii aanu gaarin uu geeriyooday, waxaana haatan Meydkiisa la dhigay qolka Meydka ee Isbitaal Madiina.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Jowhar.com in Xildhibaanka lagu dilay meel ku dhow laamiga Buulo Xuubey, xilli uu ka yimid Jaamacada Muqdisho qeybta Buulo Xuubey galabta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxo dabley oo gaari saarneyd ay Xildhibaanka ku hor-gooyeen, deetana ay albaabada gaariga rasaas kaga furay, kadibna baxsaday.

Xildhibaanka ayaa dhiganayay Kulyada Dhaqaalaha ee Jaamacada Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu waa weyn magaalada Muqdisho.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: