Calendar

Mudane Baarlamanka Puntland ka tirsan oo Xalay Boosaaso lagu dilay.

boosaasoBartamaha(Boosaaso):-Kooxo bistoolado watay ayaa xalay dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland xilli uu salad ka soo baxay afaafka hore ee Masjid Axmed Cabdi kaar ayaa la dilay markii uu ka soo baxay Masjid ku yaalay goob aan la dheereen xaafada uu ka daganaa Magaaladaasi Boosaaso iyadoo rasaas ay la dheceen Kooxo afka soo xertay.

Dhalinyarada wejiyada soo duubatay ayaa waxa ay rasaas ku bilaabeen Mudanahaasi xiliga uu masjidka ka soo baxay iyadoo maydkiisa laga qaaday masjidka uu salaada ku dukaday goob aan ka fogayn.

Ciidanka ammaanka Punland ayaa bilaabay baaritaan ay ku samayn ayaan xaafadaha Boosaaso si ay u raad raacan ragga dilkaasi u geystay xildhibaankaai Baarlamanka Puntaland ka mid ahaa.

Horay ayaa waxaa sii badanayay dilalka ka dhaca Magaalooyinka Puntland iyadoo uu noqonayo mudanihii labaad e Baarlamanka ka tirsan oo la dilay muddo isku dhow iuyadoo bishii November Garoowe lagu dilay xildhibaan baarlamanka Puntland ka mid ahaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: