Mudanayaasha Baarlamanka Ee Shalay Nairobi ku shiray oo shaaca ka qaaday in khilaafkii la xaliyay.
Bartamaha(Nairobi):-Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ee shalay ku shiray Magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegeen in xal laga gaaray khilaafkii mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Mudane Xildhibaan Xuseen Carale Cadaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee Nairobi ku shiray ay go’aansadeen in la qabiijiyo xiisada baarlamanka ka dhextaagnayd.
Mudanahaasi ayaa sheegay in ay soo gaareen guddi uu madaxweynaha u soo saaray in ay xal ka gaaraan khilaafka islamarkaana la isdhaafsaday afkaar kala duwan.
Xildhibaan Caraale ayaa xusay in xiligan uu dhammaaday khilaafkii xoganaa ee dhawaanahan la dareemayay islamarkaana ay mudanayaasha Baarlamanka yihiin kuwa u taagan shaqada dalka.
Mudanahaasi oo sheegay in shalay ay yeesheen kulan balaaran oo wada tashi ah ayaa waxa uu qiray in dhammaan xildhibaanada ay isla garteen in la joojiyo abaabulka khilaafka maadaama dalka uu meel xun marayo.
Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa intaasi ku daray in Baarlamanka Soomaaliya aanu dhib ka dhex jirin balse la doonayay in la isla ogaado kala argti duwanaanshaha taagnaa oo haatan meel dhex la isugu yimid.
Xildhibaanka ayaa qiray in guddi uu magacaabay Madaxweynaha ay kala qeybgaleen dhankooda kulanka shalay dhacay islamarkaana ay isdhaafsadeen aragtiyo is diidan oo markii danbe meel wanaagsan la isugu yimid.
Hadalka xildhibaanada Nairobi jooga ayaa imaanaya xilli khilaafka mudanayaasha uu yahay mid baahan oo Muqdisho ay joogaan mudanayaal aaminsan in xilka uu ka dhacay gudoomiyaha Baarlamanka loona baahanyahay in la doorto gudoomiye Cusub.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments