Calendar

Mudanayaal ka mida Baarlamanka oo weeraray Siyaasada Xukumada Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

BarlamanaBartamaha(Nairobi):-Mudanayaal ka mida Baarlamaanka Soomaaliya oo shirk u yeeshay Magaalada Nairobi ayaa dhaliilay qaabka shaqada Xukumada Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Kulan Balaaran oo shalay galinkii danbe ay ku yeesheen Magaalada Nairobi Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay iga hadleen sababaha baaqashada kulanka iyo qaabka shaqada Xukumada.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo saxaafada la hadashay ka dib kulanka ka dhacay Nairobi ayaa waxa ay si kulul u weerartay siyaasada Xukumada iyo qaar ka mida Madaxda Baarlamanka.

Xildhibaanad Caasha ayaa waxa ay sheegtay in Mudanayaasha Baarlamanka ay yihiin kuwa u taagan shaqada Qaranka balse Xukumada ay dhabar jab ku tahay sii wadida howsha Baarlamanka.

Xildhibaanada waxa ay xustay in Xukumada ay shaqadeeda gudan weysay islamarkaana Wasiirada ay Safar ka bixi waayeen oo ay diyaaradaha isaga safrayaan xilli waliba.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla waxa ay intaasi ku dartay in aanay waxba qaban Wasiiradii lagu soo dhisay Jabuuti balse ay shaqo ka dhigteen Safar iyo dakhli aruurin ay albaabyada Safaaradaha u garaacayaan.

Xildhibaanada Shalay ku shiray Magaalada Nairobi ayaa waxa ay isku raaceen in Xukumada lala xisaabtamo maadaama ay shaqada qaranka gudan la’dahay.

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ku hadlaysay afka Xildhibaanada shalay shiray ayaa sheegtay in dhaqaale badan ay Wasiirada qaarkood dhigteen Bangiyada Dalka Malaysia taasina ay tahay mid ku dhacday xisaab la’aanta.

Hadalka Xildhibaanada ku sugan Nairobi ayaa imaanaya xilli shirarkii Baarlamanka uu yeelan jiray dhawaanahan la la’yahay marar badana uu baaqday sababao aan si wanaagsan loo cadaynin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: