read more »">
Calendar

Mucaaradka Libya oo ugu baaqay dagaal yahanandda Korneel Qadaafi in ay isoo dhiibaan.

libya-426--130155971326054300Tripule (www.Bartamaha.com):- Guddoomiye ku xigeenka golaha qaranka KMG ah ee dalka Libya ayaa sheegay in aan wax dhib ah loo geesan doonin kooxaha difaacaya Korneel Qadaafi haddii dhinacooda ay soo galaan. waxa kaloo uu sheegay kuwii lagu qabtay dagaaladda in loola dhaqmi doono sidda sharciga ah.

Mucaaradka Libya ayaa u qabtay odayaasha qabaa’ilka ee jooga magaaladda Sirta oo uu ku dhashay korneel qadaafi in ay soo wareejiyaan magaaladda ilaa sabtida todobaadka dambe.

Dagaalyahanada mucaaradka ayaa la sheegay in ay ku hareereesan yihiin magaaladda sirta.

Dhinaca kale ergarka gaarha ah ee xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon Ian Martin ayaa shaley gaaray magaaladda Tripuli isagona kulamo la qaatay hogaamiyaasha mucaaradka waxana uu kala hadlay siddii Libya loo dhisi lahaa oo ay u yeelan lahaayd dowladda loona caawin lahaa.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay dagaalada Libya oo socday tan iyo bishii February in 860,000 oo qof ay ku barakaceen.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: