Calendar

Mucaaradka Libya oo sheegay in aysan wax wada hadal ah aysan la fureynin Korneel Qadaafi ilaa ay ka qabanayaan

Libyan-rebels-flee-artill-007

 

 

Tripule (Bartamaha.com):-  Kooxaha Mucaaradka Libya ayaa ku gacan seeray hadal ka soo yeeray hogaamiyaha Libya Korneel Qadaafi kaa oo ahaa inuu diyaar la yahay wadahadlo uu la gallo mucaaradka si loo gabagabeeyo dagaaladda shanta bilood ka socda dalka Libya.

 

 

Afhayeen u hadlay korneel Qadaafi Muussa Ibrahim ayaa sheegay wadahadla lala galaayo mucaaradka in uu hogaamin doono wiilka u dhala Koneel Qadaafi ee Sacdi

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa sheegtay inuu taleefone u soo diray nin sheegay in uu yahay afhayeenkii korneel Qadaafi waxana uu sheegay Qadaafi in uu rabo in la soo afjaro dagaalada.

Afhayeenka u hadlay Korneel Qadaafi ayaa siddoo kale sheegay Korneel qadaafi in uu wali ku sugan yahay dalka Libya, laakin ma sheegin meel toos ah oo uu joogo .waxa kalo uu sheegay Qadaafi in uu soo jeediyay in la dhiso dowlad lagu mideesan yahay.

Warar goor horre maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Korneel Qadaafi lagu arkay dalka Zimbabwe.

 

“Wax wadahadal ah oo aan la yeelanayno ma jiri doono Qadaafi” siddaas waxa sheegay Cali Tahrhhouni oo ah madaxa hay’addaha Maaliyadda Mucaaradka

Si kastaba Mucaaradka Libya waxa ay sheegeen manata in korantada iyo biyaha ay fusaxi doonaan dadka ku dhaqan magaaladda Tripoli.

 

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: