Mucaaradka Libya oo sheegay ciddii soo disha ama soo qabata Korneel Qadaafi in abaal marin ahaan loo siin doono1.7-Million oo doollar.
Tripulle (www.Bartamaha.com):- Dhaqaatiirta Isbitaaladda ku yaala dalka Libya oo codsaday gaar gaar dow ah in la soo gaarsiiyo
Sida uu sheegay wariye Al Jazeera uga soo warama magaalada Tripoli, isbitaaladda waaweyn ee dalka Libya ayaa u baahan qalab ay ku shaqeeyaan, ka dib markii loo keenay dhaawacyo badan oo ku soo waxyeelooway dagaaladda ka socda wadanka Libya
Dhaqaatiirta Isbitaaladda ayaa sheegay in ay laga cabsi qabo in shaqadda ay istaagdo, dagaalladda ayaa wali ka socda wadanka Libya.
Mucaaradka ayaa sheegay cidii soo qabata ama soo disha Korneel Qadaafi in abaal marin loo siindoono ilaa 1.7-Million oo doollar,
Korneel Qadaafi ayaan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay, ka dib markii mucaaradka ay talaadadii gudaha u galeen dhismihiisa Baab Al-Asiisiyah.
Madaxa galoha qaranka Mucaaradka Mustafa Cabdul Jaliil ayaa sheegay in maamulkooda uu guuri doono magaaladda Tripulli mucaardka xaruntooda waxa ay ahayd magaaladda Bengaazi
Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay askar daacada u ah Korneel Qadaafi in ay afduubteen afar suxufi oo talyaani ah darawalkoodina ay dileen.
W/D:Xafiiska Wararka Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments