Munaasabada Ciidul Fidriga oo maanta siwayn loogu dabaal dagay magaallada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/Hoose
Bartamaha(Kismayo):- Munaasabada Ciidul fidriga ayaa waxaa Maanta si wayn looga dabaal dagay Magaalada kismayo ee xarunta Gobbalka jubbada hoosekadib markii ay bilatay bisha soon fureed taasoo ay maanta kumanan ku ay u dabaal dagayeen dadwaynaha reer kismaayo
Kadib markii uu Maamulka islaamiga ah ee magaalaa kismaayo uu imamyada kala duwan ee magaalada uu amar ku siiyay inay maalinta ciida ay albaabada u laabaan masaajidyada kala duwan ee kismaayo ayaa saaka waxaa fagaaraha wayn isbartiibo feekiyo waxaa isugu soo baxay dad aad u fara badana kuwaasoo doonayay inay oogaan salaada ciidul fidriga
Faraaha ay Maanta ka dhacayday munaasabada ciida ee Magaalada kismaayo ayaa waxa kasoo qayb galay mas’uulyiin badan ooo ka kala socotay Maamulka islaamiga ah ee Kismaamayo kuwaasoo hadalo kala duwan ka jeedisay fagaaraha ay maanta isugu soo baxeen dadwaynarah Reer Kismaayo
Mas’uulyiitii Faraaha isbartiibo Feekiyo ee Magaalada kismaayo ka hashay waxaa kamid ahaa Gudoomiye ku xigaynka Degmada Maamulka islaamiga ah ee kismaayo’’Sheeq Cabdi Qani Kabo jacel’’oo isagu ugu horayntii hadalo ka jeediyay halkaasi
Gudoomiye ku xigaynka Degmada Maamulka islaamiga ah ee kismaayo’’Sheeq Cabdi qani kabo jacel oo ka hadlayay fagaaraha ay Maanta isugu soo baxeen dadka kismayao ayaa waxa uu ugu horayntii waano u jeediyay dadka kismaayo taasoo ahayd in Dadwaynaha kismaayo aysan iska beel dareeninin Amaanka ay haystaan’’Waa siada uu Hadlka u yiriye’’
Inkastoo ay aad u dheereed hadalak uu jeediyay mas’uulkaan labaad ee Maamulka kismaayo ayaa waxa uu sheegay ugu dambeentii uu dadwaynaha Kismaayo uu sheegay  in looga baahanyay waxa uu ku sheegay inay ka qayb qaataan dagaalada dalka gudihisa ka soconaya
Dadwaynaha reer kismaayo ayaa waxa ay maanta ahaayeen kuwa aad u soo dhaweeyay munaasbadani ciida waxaana magaalada manata la arkaayay , iyagoo ay aad u labisanyihiin Haweenka Caruurta Waayeelada ayana ka muuqato farxad iyo rayn rayn
Ugu Dambayntii Munaasbadani ciiaul fidriga ayaa waxa ay maanta ahayd mid dhamanba laga xusay guud ahaanba degmooyinka uu ka koobanyahay Gobbalakni jubbada Hoose
kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia
Comments
comments